Bayern Munich Oo Wadahadalo La Furtay Chelsea Kadib Codsi Ka Yimid Thomas Tuchel.

0
90

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo la furtay goolhayaha kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga sida ay sheegayaan wararku.

Bayern Munich ayaa Saxiixa Goolhaye Cusub ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad xagaagan iyada oo Manuel Neuer uuna ku dhawayn in uu ku soo laabto garoomada sabab la xidhiidha lug jabtay.

Bayern Munich ayaa doonaysay saxiixa Goolhaye David Raya laakiin Arsenal ayaa u muuqata kuwo ku garaacday saxiixa Goolhayaha reer Spain kadib markii ay Gunners kala heshiisay saxiixa xiddiga.