Dhismaha iskuulka xanaanada caruurta ee degmad balcad oo heer gabogabo maraya

0
83

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe ayaa waxaa ka socda dhismaha dugsiga xanaanada caruurta taasoo dhawaan uu dhagax dhigay wasiirka waxbarashadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Dhismaha dugsiga xanaanada xaruunta degmada Balcad oo ka kooban shan fasal, hal xafiis,hool iyo barxad loogu talo galay caruurta inay ku ciyaaran ayaa hadda mareysa heer gabo gabo ah.

Warkan  waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey