Ardey dhameysay Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya oo soo bandhigay hal abuur cusub.

0
82

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hal abuurkan cusub oo ay hindiseen dhallinyarada dhigto kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda caalamiga ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Tartankan hal abuurka ganacsi ee ardeyda jaamacadda SIU ayaa waxaa sannadkan ka qeyb galay 11 kooxood, waxana ku guuleystay oo maalgalin loo sameeyay saddex kooxood oo kala ah shirkadda caanaha Waddani oo ku guuleysatay kaalinta koowaad waxana la guddoonsiiyay abaalmarin maaliyadeed oo dhan $4000 oo dollar, Kooxda shirkadda alaabaha guryaha iyo qurxinta ee Nada oo ku guuleysatay kaalinta labaad waxana la guddoonsiiyay abaalmarin maaliyadeed oo dhan $3000 oo dolla, halka kooxda bangiga dhiiga Baahitire oo ku guuleysatay kaalinta saddexaad la guddoonsiiyay abaalmarin maaliyadeed oo dhan $2000 oo dollar.

Warbixintaan waxa soojeedisaysa Xaawo Aadan Xuseen.