Kooxda West Ham United oo si rasmi ah ugu dhawaqday Saxiixa Harry Maguire.

0
87

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta West Ham ayaa si rasmi ah ugu dhawaqday in Manchester United ay ogolaatay inay £30 milyan oo Gini kaga iibiso kabtankeedii hore ee Harry Maguire.

Tababare David Moyes oo maanta  saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ay Manchester United kala heshiiyeen Harry Maguire, balse waxa uu diiday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo.

Moyes oo isaga oo ku sugan magaalada aLondon hadlayaay ayaa yidhi: “Dalabkii aanu ka gudbinay Maguire waa la aqbalay, laakiin faahfaahin intaa ka badan kama bixinayo illaa inta  uu imanayo halkan.”

Manchester Unted ayaa sidii aanu wararkayagii hore idiinku soo gdubinay waxay ogolaatay dalabkii ugu dambeeyey ee West Ham oo ahaa £30 milyan oo Gini, balse waxay diidday qiimaha ay kooxda reer London ku doonayso Scott McTominay oo isagana ay ku doonayeen £30 milyan oo Gini, taas oo wadarta lacagta ka dhigaysay £60 milyan oo Gini.

Red Devils ayaa waxay hadda suuqa ugu jirtaa sidii ay ula saxeexan lahayd difaac dhexe oo buuxiya booska kursiga kaydka ee Harry Maguire, waxaana lala xidhiidhinayaa tiro ciyaaartooyo ah sida  Benjamin Pavard iyo Jean Clair Todibo