Man City Oo Xasuuqday Burnley Xilli Erling Haaland Oo Durba Labo Gool Dhaliyay

0
82

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Manchester City ayaa guul weyn ku daah furtay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ay 3-0 ku gumaadeen kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Burnley iyadoo Haaland uu labo gool durba ka tuuray.

Haaland waxay ku qaadatay kaliya afar daqiiqo inuu hogaanka u dhiibo Manchester City waxa uu shabaqa ku taabtay kubad madax aheyd oo ka timid Rodri.

Burnley marnaba uma muuqan kuwa qalqal gelin kara kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League, iyadoo Man City ay si raaxo leh ku ciyaareysay.

Daqiiqadii 22aad Kovacic ayaa fursad u helay inuu kulankiisii ugu horeysay ee Premier League u ciyaaro Manchester City ka dib markii Kevin de Bruyne dhaawac loo bedelay.

Daqiiqadii 36aad Haaland ayaa helay goolkiisii labaad iyo goolkii labaad ee Manchester City, waxa uu ahaa gool aad u qurux badan isagoo dhameystiray kubad ka timid Alvarez.

Manchester City ayaa ciyaarta hurdo u dirtay daqiiqadii 75aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta. Kubad la soo dhigay xerada ganaaxa ayay Burnley difaacan weysay iyadoo Rodri uu gool uu u qalmay u helay ciyaarta ka dhigay 3-0.

Daqiiqadii 5aad ee waqtigii dheeriga ee ciyaarta lagu daray Burnley waxaa casaan toos ah ka qaatay Zaroury kaasoo qalad ku galay Kyle Walker.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 oo ay Manchester City cashar ugu dhigtay Burnley.