In ka badan 93 ruux oo ku dhimatay dab ka kacay Mareykanka.

0
145

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha jasiiradda Maui ee dalka. Marayknka ayaa gaartay 93 qof, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni.

Waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eeyaha wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.

Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday. Dadka ayaa lagasoo gurayaa biyaha badda oo ay badbaado ka doonteen.

Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay.