Baarlamanka ECOWAS oo Guddi Wadaxaajood u Diraya Niger.

0
74

Baladwayne ( Radio Beerlula )Baarlamanka dalalka ku bahoobay ururka ECOWAS ayaa go’aamiyay in ay guddi u diraan dalka Niger kaa oo kulan la yeelan doona taliska milatariga ee dhawaan dalkaasi afgembiga ku qabsaday.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona in uu xal diblomaasiyadeed ku dhameeyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Niger.

Kulan degdeg ah oo uu yeeshay baarlamanka ECOWAS ayaa la isku mari waayay taa oo keentay in la isku raaci waayo go’aan mideysan oo ku aaddan in fara-gelin milatari lagu wajaho xaaladda Niger.

Warbaahinta Nigeria ayaa sheegtay in xubnaha baarlamanku ku kala qeybsameen xalka dalka Niger. Xubnaha qaarkood ayaa soo jeediyay in waanwaan diblomaasiyadeed lagu xalliyo arrinta halka kuwa kalena ay qabeen in awood milatari lagu xalliyo.