Maamulka gobolka Banaadir oo dhagax dhigay wadada Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud .

0
89

Baladwayne ( Radio Beerlula )Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo Laami ah ah isku xirta Waddooyinka Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshid.

Hirgalinta dhismahaan oo qeyb ka ah mashruuca dalkaaga ku dhiso hal Dollar ayaa fulinteeda waxaa iska kaa shaday Maamulka Degmada Yaaqshid, bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.