Iska Illow Barcelona!! Kooxaha Waweyn Ee Reer Yurub Ee Iska Diiday Inay La Saxeexdaan Neymar Jr

0
74

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshay fursad ay kula saxeexato xiddiga reer Brazil ee Neymar ka hor intii aanu u wareegin kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Hilal, waxaase albaabka ka xidhay Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti oo u sheegay in aanay u baahnayn.

Neymar Jr oo xalay tijaabada caafimaadka u maray Al-Hilal oo €90 milyan oo Euro ku iibsatay, ayaa waxa uu u saxeexay heshiis laba sannadood ah oo uu 12kii biloodba ku xoogsanayo mushahar ka badan €140 milyan oo Gini, taas oo ka ka dhigaysa ciyaartoyga saddexaad ee ugu mushaharka badan kubadda cagta, waxaana kaliya ka horreeya Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema.

Barcelona ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Neymar usbuucii hore, hase yeeshee kalideed ma ahayn, waxaana loosoo bandhigay saddex kooxood oo horyaalka Premier League ah iyo Real Madrid iyo waliba Bayenr Munich.

Real Madrid ayaa markiiba u muujisay in aanay doonayn oo kaliya qorshaheedu yahay Kylian Mbappe, balse wakiilka laacibkan ayaa sidoo kale carrabka u laalaadiyey Bayern Munich, Chelsea, Manchester United iyo Manchester City, kuwaas oo dhamaantood ka gabbaday mushaharka xad-dhaafka ah ee uu laacibkani doonayo.

31 jirkan ayaa waxa uu markii dambe ogolaaday in uu tago horyaalka Sucuudiga oo ah meesha kaliya ee awoodi karaysa mushaharka uu dalbanayo oo sidoo kale aanay bixin karaynin kooxaha horyaalka Maraykanka oo uu Lionel Messi uga gacan haadinayay.