Paul Merson Oo Badalay Saadaashiisa 4-ta Koox Ee Ugu Saraysa Horyaalka Premier League Kadib Markii Chelsea Saxiixa Caicedo Ku Garaacday Liverpool.

0
124

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Halyeeyga Arsenal Paul Merson ayaa badalay saadaashiida 4-ta koox ee ugu saraysa premier League kadib markii ay chelsea saxiixa Moises Caicedo ku garaacday Liverpool.

Chelsea ayaa Liverpool ku garaacday saxiixa xiddiga iyaga oo ka faa’iidaystay diidista xiddiga ee Liverpool waxana ay kula wareegeen lacag dhan 115 milyan oo euro.

 

Merson ayaa rumaysan in uu Caicedo wax weyn ka badali doono waxana uu haatan chelsea u saadaalinayaa 4-ta boos ee ugu sareeya isaga oo sheegay in ay ku garaaci doonto Liverpool.

 

 

“Chelsea waxa ay haatanba 100% ka fiicantahay xilli ciyaareedkii hore, Kadib saxiixa Caicedo waxa ay ku dhamaysan doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya badalka Liverpool”ayuu yidhi.

 

“Marka aad eegto kulankii Axadii ee Liverpool iyo chelsea, labada kooxoodba waxa ay u baahnaayeen saxiixa Caicedo laakiin chelsea ayaa heshay”.

“Liverpool aad ayay u furantahay umana malaynayo in ay kubad ku guulaysan doonaan khadka dhexe”.