Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka latashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Hindise sharciyeedka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.
waxaa shirka soo qaban-qaabiyay Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare waxaana inta uu socda diirada lagu saari doonaa ahmiyada maareeynta deegaanka iyo ilaalintiisa.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan