Liverpool Oo La Saxeexay Kubbad-Burburiye Lama Filaan Ah & Sababta Uu Ku Doortay Jurgen Klopp

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay xiddig u dhashay waddanka Japan oo ah waardiye adag oo aanay si fudud kubaddu ugu dhaafin dhinaca difacyahannada kooxdiisa iyo goolka.

Liverpool oo niyad-jab ka qaadday Chelsea oo ku garaacday labada saxeex ee Moises Caicedo iyo Romeo Lavia ayaa waxay ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqday Mataru Endo oo aanay cidiba ka filaynin, waxaanay dul-dhigeen €18 milyan oo Euro.

Heshiiska laacibkan ayaa isla caawaba la dhamaystiray sida ay wararku sheegayaan, waxaana uu saacadaha soo socda u duuli doonaa waddanka UK oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono kooxdiisa cusub ee Liverpool oo booska uu uga dheelayo uu yahay mid cidlo ah oo aanay cidina ku qabsan doonin.

Wataru Endō oo u ciyaara kooxda Stuttgart ee horyaalka waddanka Germany ayaa ka dalbaday naadigiisa in la iibiyo si uu u rumeeyo riyadiisa ah inuu u ciyaaro Liverpool, taas oo keentay in si degdeg ah ay wax walba kusoo dhamaadaan.

30 jirkan reer Japan ee Wataru Endō oo ahaa kabtanka Stuttgart ayaa Liverpool soo jiidatay bandhiggii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyey horyaalka Bundesliga tan iyo markii uu kusoo biiray xilli-ciyaareedkii 2020/21.

Rikoodhka Wataru Endō looga diiwaangeliyey horyaalka Bundesliga

  • Waa ciyaartoyga kusoo guuleystay kubbadihii ugu badnaa ee difaaca loola tago horyaalka oo dhan, waxaana uu laacibka kusoo xiga ka badan yahay ku-dhowaad laba jeer. 254 jeer ayuu soo celiyey kubbado lagula sii socdo goolkiisa.
  • Waxa uu ku guuleystay kubbadihii ugu badnaa ee madax ay ku loollamaan ciyaartooyo kale, waana 219 jeer
  • Waxa uu goolkiisa badbaadiyey tiradii ugu badnayd oo ah 175 jeer oo haddii aanu isagu joogi lahayn laga dhalin lahaa amaba halis la gelin lahaa.
  • Kubbadihii ugu badnaa ee madax lagaga saaro goolka ayaa uu sameeyey, waxaana uu shabaqiisa ka difacay 105 kubbadood oo madax ahaa
  • Waxa uu ahaa ciyaartoyga labaad ee ugu kubbad taabashada badan horyaalka Bundesliga saddexdii sannadood ee uu ka ciyaarayay, waxaana uu taabtay 6,511 jeer.
  • Waa ciyaartyoyga labaad ee dhamaystiray baasaskii ugu badnaa, waxaana u diiwangashan 3,940 baas oo uu dhamaystiray.
  • Wa ciyaartoyga labaad ee ugu saamaynta badan booskiisa kubbad-burburinta xilli-ciyaareedkii tegay, waxaana u diiwaangashan 404 jeer.
  • Waa ciyartoyga labaad ee taakalada ugu badan ka sameeyey horyaalka Bundesliga, waxaana uu diiwaanka ugu jirta 208 taakal.