Magaalo ku taalla Canada oo dab looga qaxayo.

0
88

Baladweyne (Radio Beerlula)- Mid ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn waqooyiga fog ee dalka Canada ayaa dadka laga daad gureynayaa iyadoo laga digayo in uu gaaro dab kayn ka kacay dhammaadka usbuuca.

Dad gaaraya 20,000 oo degan magaalada Yellowknife, oo ah caasimadda gobollada Waqooyi-galbeed ee dalkaas, ayaa loo qabtay ilaa duhurnimada maalinta Jimcaha inay ka baxaan magaaladaas.

Dab kale ayaa halis gelinaya bulshada ku dhaqan deegaanka Hay.

Mid ka mid ah dadkii la soo daadgureeyay ayaa u sheegay warbahinta CBC in uu gaarigeedu dhalaalay xilli iyada iyo qoyskeeda ay dab dhamac ah oo wadada soo gaaray ku dhex kexeeyeen gaariga, markaas oo ay ka baxsanayeen dabka.

Gobollada Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ay la dagaallamayaan in ka badan 200 oo goobood oo dab ka kacay.