In ka badan 60 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon badda kula jirtay muddo bil ka badan

0
94

Baladweyne (Radio Beerlula)-In ka badan 60 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen doonni ay saarnaayeen oo badda ku jirtay muddo bil ka badan. Inta badan waxay ka yimaadeen Senegal.

Dad gaaraya 38 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa la badbaadiyay, iyadoo la arkayay muuqaal muujinaya iyaga oo lagu caawinayo xeebta jasiiradda Sal, qaarkoodna ay saaran yihiin sariiro.

Jasiiradahan ayaa ku yaal meel 600km (372 mayl) u jirta xeebaha galbeedka Afrika iyo marrinka loo maro jasiiradaha Canary, oo ah dhul Isbaanish ah oo ay dad badani u arkaan waddo loo maro Midowga Yurub.