Dowlad gacanta ku dhigtay Dameero si sharci darro ah looga dhoofin rabay dalkeeda.

0
128

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Waaxda canshuuraha ee dalka Nigeria ayaa garoonka diyaaradaha ee Lagos ku qabatay xubno dameerro iyo lafo kalluun oo lagu qiimeeyay 1.23 bilyan oo lacagta Nigeria kuwaasoo la doonayay in loo dhoofiyo Shiinaha iyo Hong Kong.

Muxamed Yuusuf oo ka tirsan dowlada Nigeria sheegay in muwaadin u dhashay dalka Shiinaha uu xubinta taranka ee dameeraha ka soo qaaday magaalada Abakaliki ee gobolka Ebonyi, isagoo ujeedkiisu ahaa inuu u qaado dalkiisii ​​hooyo.

Waxa uu sheegay in hadii aan tallaabo sax ah laga qaadin in dameeraha ay dalka ka dhamaan doonaan.

Waaxda canshuuraha Nigeria ayaa sheegtay in ninka Shiinaha u dhashay la xiray, baaritaankuna uu ku socdo.