Tababar aqoon kororsi ah oo shaqaalaha wasaaraddaha Jubbaland looga furay Kismaayo.

0
69

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland Ibrahim Maxamed Qooshoow ayaa magaalada Kismaayo ugu furay tababar aqoon kororsi ah qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha Jubbaland.

tababarkan oo socon doona mudo 3 maalin ah ayaa waxa loo qabtay wasaaradaha Jubbaland sida Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wasaarada Haweenka iyo wasaarada Gargaarka ayaa waxaa lagu bari doona shaqaalaha inta uu socdo tababarka ilaalinta iyo badqabka bulshada.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Aadan