Arsenal Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Gaadhay Crystal Palace Kulan Uu Hadheeyey Khilaaf Garsoor

0
93

Baladwayne ( Radio Beerluala )Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul ay ku dhibaatootay kasoo gaadhay Crystal Palace oo ay ku booqatay Selhurst Park, halkaas oo uu Martin Odegaard ugu dhaliyey rikoodhe saddexda dhibcood gacanta u geliyey kooxdiisa.

Arsenal oo inta badan qaybta dambe ee ciyaarta ku dheelaysay toban ciyaartoy markii kaadh casaan ah lagaga saaray difaaca reer Japan ee Tomiyasu, ayaa waxa ay fursadaheeda heshay qaybtii hore oo ay si fiican ku bilaabatay, hase yeeshee Crystal Palace ayaa ahayd kooxda inta badan kubadda caganta ku haysay qaybta labaad ee nasiibiku uu diiday.

Mikel Arteta ayaa uu naqasku kasoo booday markii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga ee uu tilmaamay rikoodhe daqiiqaddii 51aad oo uu Johnstone qalad ku galay Eddie Nketiah.

Kabtan Martin Odegaard ayaa kubadda soo qaatay oo toogtay dhinaca bidix oo hoosta ah, halka goolhaye Johnstone uu isku duutray dhinaca midig.

Goolkan ayaa noqday midka kaliya ee labada kooxood kala saaray ee saddexda dhibcood ay ku heshay Arsenal oo hadda kaalinta saddexaad kaga jirta miiska kala-sarraynta Premier League iyada oo guuleysatay labadii kulan ee ay ciyaartayba.

45kii daqiiqadood ee hore ayaa waxa Crystal Palace ay dhibaato badan gelisay difaaca Arsenal, waxaana orod ku xiijiyey Ayew, Eze iyo Edouard balse waxay dhamaantood awoodi waayeen in ay kubadda weydaariyaan goolhaye Aaron Ramsdale.

Eddie Nketiah ayaa birta ganaaxay isaga oo helay fursaddii ugu fiicnayd ee Arsenal, ka hor intii aanu Martin Odegaard kubbad uu laba-lugoodis isku rogay aanu ka badbaadin goolhaye Johnstone.

Arsenal ayaa waxay kubaddeedu usoo noolaanaysay si qunyar-qunyar ah, waxaana waqtigii nasashada uu tababare Mikel Arteta lasoo dardaarmay khadka dhexe oo ahayd halka laga jabsaday iyo dhinacyada oo ay u maare la’aayeen ciyaartoyda orodka badan ee Palace.

Qalad uu Ayew ku galay Bukayo Saka meel ka baxsan xerada ganaaxa ayaa waxa kubadda soo tuuray Kai Havertz oo dhulka mariyey iyadoo uu Eddie Nketiah markiiba ka daba-baxay difaacyahannada oo uu goolhaye Johnstone lugta ka hor geliyey kubadda, taas oo keentay in ay istaabtaan isla markaana rikoodhe loo dhigo.

Kaadh casaan ah oo lasiiyey Tomiyasu ayaa ay ka timid hadal-hayn badan kaddib markii uu garsooruhu ku qancay in uu qabsaday Jordan Ayew oo ay kubadda ku loollameen, sidaana ku siiyey kaadh labaad oo digniin ahaa, balse muuqaallada la helay ay muujinayaan in aanu qabsanin.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa waxay yeelatay 6 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Brighton iyo Manchester City oo kaga horreeya farqiga goolasha.