Dad ku dhintay dab ka kacay Giriigga.

0
76

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Masuuliyiinta dalka Giriigga ayaa sheegay in siddeed iyo toban qof oo loo malaynayo inay yihiin muhaajiriin ay ku dhinteen dab ka kacay kayn ku taal woqooyiga bari ee dalkaas.

Maydadkooda oo gubtay ayaa laga helay kaynta Dadia oo u dhow xadka uu Giriiggu la wadaago Turkiga.

Waxaa socda dedaallo lagu doonayo in lagu aqoonsado haybta meydadka laga helay laba goobood oo kala duwan.

Jid caan ah oo ay isticmaalaan dadka tahriibayaasha ah ayaa gobolkaas mara.

lixdan iyo shan bukaan oo dabka looga baqay ayaa laga saaray isbitaal ku yaal magaalada Alexandroupolis.

Meydka nin la rumeysan yahay in uu tahriibe ahaa oo gubtay ayaa isniintii laga helay deegaan miyi ah oo ku dhow magaaladan.