Guardiola Oo Seegaya Labada Kulan Ee Soo Socda Ee Man City, Sabab.

0
74

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Pep Guardiola ayaa loo diray qaliin deg deg ah kadib xanuun daran oo dhabarka ah, waxaana uu seegi doonaa labada kulan ee soo socda ee Manchester City.

52-jirkan ayaa shalay magaalada Barcelona ku galay qaliin uu u sameeyay Dr Mireia Illueca, oo ah khabiir ku takhasusay qalliinka microspine-ka, waxaana lagu wadaa inuu ku sii sugnaado gobolka Catalonia si uu uga soo kabsado.

Guardiola ayaa in muddo ah la dhibtoonayay xanuun dhabarka ah, waxaana uu iska celin waayay in uu qaliin maro waxana kooxda sii hogaamin doona Caawiyihiisa Juanma Lillo.

Lillo ayaa hogaamin doona tababarka kooxda iyo labada kulan ee soo socda ka hor fasaxa xulalka.

Man City ayaa Axada la ciyaari doonta kooxda Shefield United ka hor inta ayna la ciyaarin fulham todobaadka xiga.