Garoon diyaaradeed oo loogu magac darayo boqoradii Ingiriiska ee geeriyootay.

0
84

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Le Touquet ee Waqooyiga dalka Fransiiska, ayaa dhawaan loogu magac dari doonaa boqoradii Ingiriiska ee geeriyootay, Elizabeth II, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaaladaas.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii codsi la xiriira arrrintan loo diray boqortooyada, lix maalmood kaddib geeridii boqoradda, 8-dii September sanadkii hore.

Lama shaacin taariikhda ama maalinta la qaban doono xafladda garoonkaas magaca looga badalayo.

Shacabka magaaladaas ayaa rajeynaya in magaca cusub ee garoonka uu xoojin doono xirriirka magaaladaas iyo UK, isla markaana uu soo jiidan doono dalxiisayaal badan oo ka socda dunida qeybaheeda kala duwan.