Man CIty Oo Dhameystirtay Saxiixa Xiddigii La Sugayay Ee Bedelka Riyad Mahrez

0
72

Baladwayne ( Radio Beerlula )Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara Jeremy Doku oo ay kala soo wareegeen kooxda Faransiiska ee Rennes.

Xiddiga reer Belgium oo 21 sanno jir ah ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican qaarada Yurub ee haatan soo baxaya.

Pep Guardiola ayaa bartilmaameedsaday Doku ka dib markii Riyad Mahrez uu u wareegay Sacuudi Areebiya.

City ayaa ugu danbeyn heshay ninkii ay rabtay ka dib markii xiddiga lagu naaneeso Boqorka Gambiska Doku uu qalinka ku duugay hishiis shan sannadood ah uu ku joogayo Etihad Stadium.

Xiddigaan oo xirfadlenimada bilaabay isagoo 16 sanno jir ah una ciyaaray kooxda Anderlecht ee dalkiisa Belgium ayaa xilli ciyaareedkii hore todoba gool u dhaliyay Rennes isagoo u saftay 35 kulan.

Laakiin ma ciyaari karo kulanka Manchester City ay u safreysa Sheffield United Axada madaama ay ku tahay waqti dhow.

Weeraryahanka oo dhaxlay maaliyadii No.11 ee uu baneeyay Oleksandr Zinchenko ayaa yiri: “Maalin weyn ayay ii tahay aniga, shaqsi ahaan iyo xirfad ahaanba.

“Manchester City waa kooxda ugu fiican dunida kubada cagta, sidaasi darteed inaan ku biiro iyaga waa wax u qiimo badan aniga iyo qoyskeyga.

“Waxaan ahay ciyaaryahan da’ yar oo u baahan inuu wax badan barto, horumar badana sameeyo.

“Inaan la shaqeeyo Pep Guardiola iyo shaqaalihiisa iyo inaan ka garab ciyaaro xiddigo waa weyn waxay iga dhigi doontaa ciyaaryahan fiican.”