Culumaudiin ku nool Baladweyne oo bulshada ku baraarujiya nabadda

0
90

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Sheekh Cumar Saalaax Madoobe oo kamid ah Culimada magaalada Baladwayne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa isku xilqaamay sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ahmiyadda ay leedahay Nabadda isaga oo xilliyada qaar ka qayb qaata xallinta khilaafaadka u dhaxeeya beelaha walaalaha kuwaas oo dega magaalada Baladwayne iyo deegaanada Hoosyimaada.

Sheekh Cumar Saalax ayaa waxa uu isku xilqaamay fidinta diinta islaamka Balse Waxa u sii dheer xalinta Khilafaadka , isaga oo bulshada kula sharaxa muhiim ay leedahay Nabadda islamarkaana bulshada ku baraarujiya ahmiyada Nabadda ay deegaanka u leedahay.

Wabixintaan waxa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.