Mauricio Pochettino Oo Boos Cusub Ka Ciyaarsiinaya Enzo Fernandes Sabab La Xidhiidha Dhaawacyada

0
77

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Mauricio Pochettino ayaa Boos Kale Ka Ciyaarsiinaya Enzo Fernandes Sabab La Xidhiidha Masiibada Dhaawacyada Ee Ku Habsatay Kooxda.

Tababaraha Chelsea Mauricio Pochettino ayaa soo jeediyay Enzo Fernandez in loo wareejin karo boos dhinaca weerarka ah kadib dhaawacii Carney Chukwuemeka.

Dhaawacyo ayaa ku habsaday Blues iyada oo haatanba dhaawacyo ku wayday xiddigo badan oo muhiim ah waxana ugu dambeeyay xiddiga Chukwuemeka kaas oo dhaawac jilibka ah soo gaadhay.

 

 

Xilli ay chelsea suuqa ugu jirto xoojin kooxda ah hadana waxa uu doonayaa in uu dhinaca weerarka keeno Enzo si uu ugu xaliyo dhibaatada haatan haysata kooxda.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa horay chelsea uga ciyaaray boos khadka dhexe oo weerarka ah laakiin Pochettino ayaa haatan si joogto ah uga ciyaarsiin doona xiddiga booskaas.

“Waxa aan haysanaa Enzo oo ka ciyaari kara No.8 ama No.10, waan xalin doonaa”ayuu Pochettino yidhi.