Doorasho ka bilaabatay dalka Gabon

0
94

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Goobaha codbixinta ayaa ka furmay dalka Gabon, halkaasoo madaxweyne Ali Bongo uu doonayo inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada.

Waxaa jira walaac baahsan oo ku saabsan codeynta. Midowga Yurub laguma martiqaadin inay soo diraan goobjoogeyaal waxaana la muujiyay cabsi ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Wararka ayaa sheegaya in maamulka Gabon uu sidoo kale diiday codsiyo aqoonsi oo uga yimid saxafiyiinta caalamiga ah.

“Gabon maaha hantida Bongos.” Waa erayadii ninka mucaaradka Albert Ondo Ossa. Laakiin qoyska Bongo ayaa xilka madaxtinimada hayay tan iyo 1967-dii, markaas waa inuu ogaadaa in xaaladu ku cakirantahay.

Mr Ossa ayaa kaliya loo doortay musharaxa isbahaysiga cusub ee mucaaradka todobaadkii hore. Wax ka bedelkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay warqadaha cod bixinta ayaa sidoo kale dhalisay shaki ah in guddiga doorashada ee Gabon aysan dhexdhexaad ka ahayn oo ay ciyaarayaan xeelado ay ku xaqiijinayaan in Cali Bongo uu mar kale ku guuleysto.

Sannadkii 2018-kii ayuu madaxwaynuhu ku dhacay istaroog kaas oo horseeday baaqyo loogu baaqayo inuu dhinac iskaga tago.