Dalka Hindiya oo xiray iskuul lagu dharbaaxay wiil Muslim ah

0
144

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Maamulka Hindiya ayaa xiray iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaala gobolka Uttar Pradesh halkaas oo macalin ay ardayda ku boorisay inay dharbaaxaan wiil ay isku fasal yihiin oo Muslim ah.

Muuqaal laga soo duubay macalimadda oo lagu magacaabo Tripta Tyagi oo u sheegaysa wiilasha dhigta Dugsiga Dadweynaha ee Neha inay dharbaaxaan arday toddobo jir ah oo ay isku fasal ahaayeen ayaa dhalisay cambaarayn ballaaran.

Macallimadda ayaa sheegtay in dhacdadaasi aysan wax lug ah ku laheyn in ilmahaasi uu Muslim yahay. Xiligaas, booliisku waxa ay sheegeen in la maqlayey iyada oo leh carruurta muslimiinta ah ee waalidkood aysan u fiirsan waxbarashadooda waa in cashar la baro.