Chelsea Oo Weerar Dhinac Suuqa Ah Ku Qaadaysa Arsenal, Xiddig Uu Arteta Nacay Ayay Doonayaan.

0
107

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Emile Smith Rowe ka hor maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga ee Jimcaha.

Blues’ ayaa qarash gareysay ku dhawaad ​​1 bilyan oo euro tan iyo markii uu Todd Boehly la wareegay sanadkii hore iyadoo 350 milyan ay qarash gareysay xagaagan oo kaliya.

Inkasta oo ay 10 saxiix samaysay kooxdu hadana Mauricio Pochettino ayaa doonaya in uu la soo saxiixdo weeraryahan cusub sabab la xidhiidha dhaawaca Christopher Nkunku.

 

 

Daily Mail ayaa ku warameysa in Chelsea ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Smith Rowe si ay ugu xoojiso kooxda.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in xiisaha ay Blues u qabto xiddiga in uuna ahayn mid horumar leh isla markaas ay kooxdu Talaabao qaadayso saacadaha soo socda.

Smith Rowe ayaa u soo baxay kooxda 1-aad ee chelsea sanadkii 2020 waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa xilli uu ku dhibaatonayo in uu boos ka helo.