Ururka haweenka gobolka Hiiraan oo wada qorshe lagu horumarinayo xirfadaha haweenka.

0
98

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Hiiraan Raaxo Cabdi Sheekh oo dhawaan xilkan loogu doortay magaalada Baladweyne ayaa sheegtay inay wadan dadaalo lagu horumarinayo Haweenka gobolka.

Haweenka ayaa la bari doonaa xirfaddaha farsamada gacanta iyo tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda sida ay Radio Beerlula u sheegtay guddoomiyaha Ururka haweenka gobolka Hiiraan Raaxo Cabdi Sheekh.

Warbixintaan waxa soojeedinaysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.