Waa Kuma Gonzalo? Xiddiga Real Madrid U Beddelaya Vinicius Junior

0
172

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshay ciyaartoy si fiican ugu beddeli karaya Vinicius Junior oo uu durba Carlo Ancelotti bilaabay inuu u tababaro booskii uu ka baxay laacibka reer Brazil oo muddo laba bilood ku dhow ku maqnaanaya dhaawac.

Vinicius Junior oo muruqa dhaawac kasoo gaadhay ayaa ka maqnaan doona afar illaa shan ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah iyo laba ama saddex kulan oo wareegga group-yada Champions League ah, halka xulka qarankiisa Brazil aanu kala qayb-geli doonin kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bisha September.

Dhamaadka bisha October ayaa ay Real Madrid rajaynaysaa in ay heli doono Vinicius Junior oo uu qayb ka noqon doono ciyaarta Atletico Madrid, waxaana kooxdu ay go’aansatay in aanay wax ciyaartooyo cusub ah la saxeexanin.

Carlo Ancelotti ayaa heerka labaad ee da’yarta Real Madrid waxa uu kasoo dallacsiiyey Gonzalo Garcia Torres oo xilli-ciyaareedkii hore bandhig fiican ka sameeyey kooxda da’yarta Real Madrid ee uu tababaraha u yahay Alvaro Arbeloa, kaas oo hadda loo bilaabay in loo carbiyo booska Vinicius Junior.

Gonzalo oo ku dhashay magaalada Madrid ayaa waqtiyo kusoo qaatay kooxaha SEK, Club Santa Barbara iyo Jarama Race, halka uu sidoo kalena usoo dheelay Real Mallorca ka hor intii aanay Real Madrid dib ugu soo celinin da’yarteeda.

Gonzalo ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkii hore u dhaliyey kooxda da’yarta Real Madrid 35 gool oo dhamaan tartamada ah, halka xilli-ciyaareedkan socdana uu laba jeer shabaqa soo taabtay.

Tababarkii maanta ee kooxda koowaad ayaa uu Carlo Ancelotti ugu yeedhay Gonzalo, waxaana la sheegay in uu kasoo muuqan doono ciyaarta Getafe ee Sabtida oo la qiimayn doono sida uu u xammilo cadaadiska heerka koowaad.