Liverpool vs Leicester, Newcastle vs Man City, Arsenal vs Brentford – Isku-aadka Wareegga 3aad Ee Carabao Cup Oo La Shaaciyey

0
129

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League ayaa afka iska galay oo imtixaan adag mari doona bisha September oo ay qaarkood macasalaamayn doonaan tartanka Carabao Cup, halka kuwo kalena ay u gudbi doonaan wareegga xiga oo ay isku soo hadhi doonaan 16 kooxood.

Newcastle United ayaa imtixaan adag mari doonta, waxaanay waajihi doontaa kooxda saddexda koob qaadday xilli-ciyaareedkii hore ee Manchester City oo sannadkii horena ay ku reebtay semi-finalka ka hor intii aanay Manchester United isku helin ciyaartii u dambaysay.

Labada kooxood ee laga leeyahay Carabta ayaa markan isku-dhacooda aad loo sugayaa maadaama ay mid walba dhinaceeda isku xoojisay.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Manchester United ayay isku dhaceen Crystal Palace, waxaana la ogyahay in sannadkii horena ay tartankan Red Devils reebtay, waxaana haddii uu mar kale xaqiijisto Erik ten Hag inuu ka adkaato Palace ay u noqon doontaa dhibbanaha ugu weyn.

Arsenal ayaa imtixaan adag uu sugayaa oo waajihi doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Brentford, iyadoo goolhaye David Raya uu ka hor tegi doono kooxdii uu lacagta ka doortay ee uu amaahda iibku la socdo kaga yimid.

Chelsea ayaa waxay isku dhaceen Brighton iyadoo Moises Caicedo uu dib ugu laabanayo oo uu waajahayo kooxdii uu £115 milyan ee Gini kaga yimid.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waxay isku beegmeen Leicester City oo heerka labaad ee Championship-ka u dhacday, balse hoggaanka u haysa tartankaas oo rajaynaysa inay dib usoo dallici doonto.

Kulamada wareegga saddexaad ee Carabao Cup ayaa la ciyaari doonaa September 25.

Isku-aadka oo dhamaystiran

Ipswich Town vs Wolves

Exeter vs Luton Town

Aston Villa vs Everton

Man United vs Crystal Palace

Port Vale vs Sutton United

Bradford vs Middlesbrough

Bournemouth vs Stoke City

Lincoln vs West Ham

Brentford vs Arsenal

Chelsea vs Brighton

Salford City vs Burnley

Fulham vs Norwich

Blackburn vs Cardiff

Liverpool vs Leicester

Newcastle vs Man City

Mansfield vs Peterborough