Erling Haaland Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Sannadka UEFA

0
189

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka UEFA ka dib markii uu Manchester City ku hogaamiyay seddexdii koob ee taariikhiga ahaa.

Haaland oo rikoodhyo gooldhalin jabiyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay islamarkaana ku guuleystay Champions League, Premier League iyo FA Cup ayaa abaalmarinta xiddiga sannadka UEFA wuxuu ku garaacay saaxiibkiisa Kevin de Bruyne iyo Lionel Messi.

De Bruyne sida uu Haaland ayuu isna Man City ka caawiyay seddexdii koob ee taariikhda galay halka Lionel Messi uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku guuleystay Koobka Adduunka uu la qaaday xulkiisa Argentina halka uu PSG ka caawiyay hanashada horyaalka Ligue 1.

Laakiin Haaland oo sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka Premier League ayaa labadaan xiddig ku garaacay abaalmarinta xiddiga sannadka UEFA.

Mashiinka goolasha Manchester City Haaland ayaa sidoo kale haatan u tartami doona abaalmarinta ugu weyn abaalmarinada shaqsiyadeed ee Ballon d’Or.