In ka badan 90 arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda Central ee Baladweyne

0
97

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkana shahaadooyin lagu guddoonsinayay in ka badan 90 ardey oo baratay daawooyinka iyo qaliimada, Caafimaadka dadaweynaha, sheybaarka, kalkaaliyenimada iyo umulisanimada kuwaasoo ka aflaxay Jaamacadda Central ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.

Xubno ka tiraan maamulka gobolka Hiiraan, bahda waxbarashadda, macalimiin, waalidiin, ardeyda qalin jabisay iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabaddan.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey