Duufaantii ugu xoganeyd muddo toban sano ah oo kudhufatay Hong Kong.

0
179

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hong Kong ayaa soo saartay digniinteedii labaad ee ugu sareysay ee duufaanta, iyadoo Duufaan xooggan oo loo yaqaano Saola laga cabsi qabo inay noqoto duufaantii ugu xooganeyd ee ku dhufatay koonfurta Shiinaha muddo tobanaan sano ah.

Khubarada cimilada Hong Kong ayaa ka digaya in dabayshu si weyn uga sii darto, waxayna dadweynayha ugu baaqeen inaanay dibadda usoo bixin oo ay fogaadaan albaabbada iyo daaqadaha bannaanka ah.

Wadooyinka Hong Kong ayaa cidla ah kadib markii iskuulada iyo meheradaha la xiray.