Wado muhiim ah isku socodka gaadiid iyo dadweynaha oo laga dhagax dhigay Muqdisho.

0
175

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo laga hirgalin doono Waddada Ciise Cabdi ee degmada Deyniile oo ka bilaabato Isgooska Ifka Xalane islamarkaana sii marta xaruntii hore ee idaacadii Hornafric.

Dhagax dhigan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure iyo xildhibaano katirsan DFS,

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Nadaara