Qaramada Midoobay oo digniin ka soo saartay xaalada bini’aadantinimo ee Niger

0
75

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay dhibaato bini’aadantinimo oo kusoo wajahan dalka Niger, kadib markii taliska cusub ee militariga uu hakiyay dhaq dhaqaaqii hay’adaha Qaramada Midoobay ee goobaha dagaalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha Niger ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah inay ka shaqeeyaan waxa ay ugu yeereen aagagga howlgallada militariga sababo la xiriira xaaladda ammaan ee hadda jirta.

Ma cadda gobollada ay saameeyeen.

ammaanka ayaa sii xumaaday tan iyo markii uu dhacay afgambigii lagu riday dowladdii Madaxweyne Maxamed Bazoum bishii hore.