Jude Bellingham Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo U Dhigay Real Madrid

0
157

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Goolkii uu Jude Bellingham u dhaliyay Real Madrid kulankii ay Los Blancos kaga badisay kooxda Getafe kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ayaa ka caawiyay in uu bar-bareeyo rikoodh uu dhigay Cristiano Ronaldo.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa daawaday in uu xiddiga reer England bar-bareeyo rikoodh uu dhigay Halyeeyga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

 

Bellingham ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho guul soo laabasho leh iyada oo kooxda Ancelotti sii wado rikoodhkooda guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka.

Xiddiga da’yara ah ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliyay 5 gool dhaliyay 4-tii kulan ee uu ciyaaray horyaalka La Liga.