Duufaanta ku soo fool leh Taiwan oo qasabtay in kumannaan qof guryahooda laga saaro.

0
65

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Duulimaadyada gudaha ayaa la baajiyay, iyadoo ku dhawaad sedex kun oo qof laga saaray guryahooda xili la filayo in dalka Taiwan ay ku dhufato duufaanta Haikui oo wadata roobbab mahiigaana iyo dabeylo xoog leh jasiiradaha Koonfurta iyo kuwa Bariga dalkaasi.

Duufaanka Haikui ayaa la filayaa inay sidoo kale keento dhul go’ ka dhaca dhulka buuralayda ah iyo dhulka dadka badan ay ku nool yihiin ee Koonfur Bari ee dalkaasi.

Iskuullada magaalooyinka iyo Gobollada ku yaala koonfurta iyo Bariga wadankaasi ayaa la xiray, waxana la fasaxay shaqaalaha.

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa sheegtay in duufaantan ay noqonayso tii ugu horreysay ee keenta dhul go’ muddo afar sano ah.