Arsenal Oo Waqtigii Dhimashada Ciyaarta Xasuuqday Man United Xilli VAR Ay Go’aamo Muran Dhaliyay Sameysay

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Goolal ay waqtigii dhimashada ciyaarta dhaliyeen Declan Rice iyo Gabriel Jesus ayay Arsenal ku garacday Manchester United oo marti ku aheyd garoonka Emirates Stadium iyadoo Gunners ay 3-1 ku dubatay kooxda Shayaadiinta Cas Cas.

Rashford ayaa goolasha furay oo hogaanka u dhiibay Man United laakiin Odergaard ayaa 35 ilbiriqsi ka dib barbareeyay, halka VAR ay rigoore ka diiday Arsenal islamarkaana gool ka beenisay Man United. Iyadoo ciyaarta ay u socoto inay barbaro ku dhamaato waxaa Arsenal guusha u xaqiijiyay Declan Rice oo goolkiisii ugu horeysay ku garaacay Red Devils. Halka Gabriel Jesus uu daqiiqadii 101aad ee ciyaarta gool seddexaad ku niyadjabiyay Man United.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso badan iyadoo fursadii ugu horeysay ee gool loo fishay ay heshay Arsenal laakiin waxaa ka qasaariyay Kai Haverz kaasoo lugta la waayay kubad uu ku helay goolka hortiisa oo u baahneyd inuu shabaqa ku taabto.

Xiddigo Jarmalka oo qaab ciyaareed xun ku jira ayaa sidoo kale sameeyay qalad weyn oo sababtay in Man United ay hogaanka u qabato ciyaarta daqiiqadii 27aad markii baas uu qalday Havertz uu dhexda ka qabtay Christen Eriksen oo kubad dhex bisix dheer u dhigay Marcus Rashford oo kubada ku hubsaday shabaqa, iyadoo daafaca midig Ben White uu ka seexday inuu ilaashado garabkiisa.

Waxay aheyd kubadii ugu horeysay ee ay Man United ku taabatio xerada ganaaxa Arsenal, waxayna u sarifeen gool.

Laakiin farxadii Manchester United ma aysan waarin daqiiqad oo Arsenal ayaa durbadiiba ciyaarta barbareysay kubad uu soo dhigay Martinelli ayaa waxaa helay kabtan Odegaard oo si habsami leh kubada u dabamariyay goolhaye Onana.

Qeybtii labaad ayaa si la mid ah qeybtii hore ku bilaabatay laakiin markaan waxaa fursad gool loo fishay heshay kooxda martida aheyd iyadoo darbo halis aheyd oo ka timid Anthony Martial uu badbaadiyay goolhaye Ramsdale halka William Saliba uu isku dhigay darbo ka timid Rashford oo helay kubadii uu bixiyay Ramsadale.

Saacad markii ay socotay ciyaarta Arsenal waxaa loo dhigay rigoore markii Havertz uu dhexda u galay Wan-Bissaka iyo Casemiro kuna dhex dhacay xerada ganaaxa. Laakiin garsooraha ayaa ka laabtay go’aankiisa markii uu daawaday shaashada VAR iyadoo ku celiskii la daawaday uu muujinayay in Havertz uu isagu bilaabay inuu ku dhaco Wan-Bissaka.

Martinelli ayaa daqiiqadii 68aad sigay goolka uu waardiyaha ka yahay Onana, halka Onana uu fursad gool loo fishay ka beeniyay Bukayo Saka daqiiqadii 80aad.

Daqiiqadii 89aad Man United ayaa mooday inay hogaanka u qabteen ciyaarta markii kubad loo dhex bixiyay Garnacho uu orod kula galay xerada goolka ka hor inta uusan dabamarinin goolhaye Ramsdale.

Laakiin dabaaldegii Man United ayaa durbadiiba la qaboojiyay markii VAR ay diiday goolka iyadoo Garnacho uu sentimitir uu offside ahaa.