Madaxweynaha dalka Zimbabwe oo la dhaariyay.

0
117

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweyneaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa oo loo yaqaano ‘Yaxaaska’ ayaa loo dhaariyay xafiiska ugu sareeya dalka Zimbabwe, tan oo noqonaysa bilawga markiisii labaad, isagoo ku dhaartay inuu ilaalin doono dastuurka.

Waxaa xilka u dhaariyay madaxa cadaalada Luke Malaba iyadoo ay hor taagan yihiin tobanaan kun oo taageerayaal ah oo ka tirsan xisbigiisa Zanu-PF.

Madaxda gobolka oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyo hoggaamiyaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa ka qeybgalaya munaasabadda.

Sidoo kale waxaa xafladda ka qeybgalaya marwadii hore ee madaxweynihii geeriyooday ee dalkaas Robert Mugabe.