Saadaal Ka Farxiyey Chelsea, Kana Nixisay Arsenal Oo Laga Sameeyey Horyaalka Premier League

0
92

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Khabiirka kubadda cagta Robbie Savage ayaa sameeyey saadaal ka farxisay Chelsea oo uu sheegay inay ku dhamaysan doonto afarta kooxood ee sare ee horyaalka Premier League, xilli-ciyaareedkan, inkasta oo ay si gaabis ah Blues ku bilaabatay.

Waxa kale oo uu digniin u diray Arsenal oo uu u sheegay inay ka quustaan horyaalka ay ku riyoonayaan 20 sannadood kaddib oo ay niyaddooda ka saaraan.

Chelsea oo kaalinta 12aad ku dhamaysatay xilli-ciyaareedkii hore, ayaa afartii ciyaarood ee Premier League ee uu tababare Pochettino hoggaamiyey waxay kaliya guuleysteen hal mar iyo laba laga badiyey.

Barbarro ay la galeen Liverpool ayay ku furteen horyaalka, waxaana ugu xigay guul-darrooyin kasoo gaadhay West Ham iyo Nottingham Forest, halka saddex dhibcood ay ka heleen kooxda heerka labaad ka timid ee Luton Town.

Robbie Savage oo ka hadlayay Chelsea iyo Arsenal ayaa yidhi: “Markii Mauricio Pochettino la magacaabay, waxa aan u malaynayay in ay Chelsea iman doonto afarta sare, walina waan rumaysanahay taas, sababtoo ah waxay la saxeexdeen ciyaartooyo badan oo wanaagsan oo hammuun u qaa guul iyo tababare Pochettino oo ciyaartoyda iyo kooxaha horumariya, waxayna ila tahay in Chelsea ay wali iman karto afarta sare.”

Savage waxa kale oo uu tilmaamay in Pochettino uu helay qaab ay ciyaartoydu goolal badan ku dhalin karaan, waxaanu yidhi: “Pochettino waa in uu helo qaab uu weeraryahanku ku dhalin karo 20 gool iyo ka badan, sida No.9-kii u dambeeyey Chelsea ee Diego Costa uu sameeyey.”

Intaas kaddib waxa uu la hadlay Arsenal, waxaana uu u sheegay in aanay niyadda gashanin inay ku guuleysanayaan horyaalka Premier League.