Casemiro Oo Rikoodh Ceeb Ku Ah Ka Dhigay Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan

0
58

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Casemiro ayaa dhigay rikoodh aan loo baahneyn xilli ciyaareedkan iyadoo Manchester United ay si dhib badan ku bilaabatay xilli ciyaareedka Premier League.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku soo bilowday mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ay Man United horyaalka ku furatay xilli ciyaareedkan.

Waxa uu dhaleeceyn badan kala kulmay bandhigiisa khadka dhexe iyadoo Red Devils ay jug culus ka soo gaartay Tottenham iyo Arsenal.

Casemiro ayaa ciyaaray labadii kulan ee Waqooyiga London ka dhacay iyadoo Manchester United ay guuldarro kala soo hooyatay caasimada Ingariiska.

Man United ayaase lix dhibcood heysata ka dib markii ay ka badiyeen Wolves iyo Nottingham Forest. Laakiin waxay u muuqdaan kuwa liita kulankii Wolves halka kulankii Nottingham ay ka soo kabsadeen labo gool oo looga hormaray.

Casemiro ayaana qiimeyn hoose ku helay kulamadii uu ciyaaray ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Sida ay sheegtay WhoScored, 31 jirkaan ayaa 12 jeer loo gambiyay xilli ciyaareedkan Premier League, mana jirto ciyaaryahan kale oo intaas kubada lala garab maray horyaalka xilli ciyaareedkan.

Xiddigii darbiga ahaa ayaa xilli ciyaareedkan isku bedelay caws jilicsan oo la iska garab maro taasoo dad badan la yaab ku noqotay. in 12 jeer kubad lala garab maro islamarkaana uu noqdo xiddiga kaliya ee intaas jeer loo gambiyay afar kulan oo horyaalka la ciyaaray ayaa la yaab ku ah dad badan.

Go’aankii ay Manchester United ku soo iibsatay Casemiro 2020-kii ayaa waxaa dhaleeceeyay Jamie Carragher oo ku tilmaamay in iibsashadoodii 70ka milyan ginni inay aheyd iibsasho cabsi ay ka danbeysay.