Ilkay Gundogan Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Uu Uga Tegay Man City Iyo Wixii Uu Ku Diiday Arsenal

0
94

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ee Ilkay Gundogan  ayaa daboolka ka qaaday sababtii uu iskaga diiday Arsenal xagaagii ee uu ugu wareegay Barcelona, isaga oo ka tegay Manchester City oo uu kula sii guuleystay saddexda koob ee Champions League, Premier League iyo FA Cup.

Ilkay Gundogan ayaa qaatay go’aan adag oo ahaa inuu ka tago Man City oo uu kabtan u ahaa, sidoo kalena Arsenal oo heshiis laba sannadood ah oo uu wehelinayo mid saddexaad oo dookh ah ayaa uu dhinac maray, inkasta oo Gunners ay dedaal badan ku bixisay.

32 jirkan ayaa waxa uu ka degay Barcelona, waxaana uu sharraxaad buuxda ka bixiyey sababta uu u tegay Camp Nou isaga oo sidoo kalena dalabyo uu lacag badan ku xoogsanayo ka haystay horyaalka waddanka Sucuudiga.

Ilkay Gundogan ayaa waraysi uu siiyey wargeyska caanka ah ee kasoo baxa waddankiisa ee BILD, waxa lagu weydiiyey haddii ay Man City u bandhigtay heshiis cusub, waxaanu ku jawaabay: “Haddii aan runta sheego, dad badan ma oga arrintan. Ugu dambayntii arrintu ma ahayn sannad ama laba. Wax dhibaato ahna kama aanay jirin muddada heshiiska, laakiin City waqti dheer ayay sugtay si ay wada-hadallo iila furto.