Daadad ku dhuftay Giriiga oo khasaaro geystay.

0
111

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda gurmadka degdega ah iyo ciidamad Giriiga ayaa sii wada inay isku dayayaan inay badbaadiyaan daraasiin dad ah oo ay daadadku ku xanibmeen bartamaha dalkaasi.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa ku tilmaamay fatahaadda ay dhalisay duufaanta Daniel dhacdo ka duwan kuwii kale ee horay loo arkay.

Ugu yaraan afar qof ayaa la og yahay inay dhinteen. Ciidanka dab-damiska dalka Giriiga dadka daad gureynaya kana badbaadinaya daadadka.

Hay’adda saadaasha hawada ee Giriiga ayaa sheegtay in roobabku ay hadda yaraadeen. Ra’iisul wasaaraha Kyriakos Mitsotakis ayaa qorsheynaya inuu booqdo goobaha ay dhibaatadu saameysey.