Kai Havertz Oo Ka Hadlay Sida Xun Ee Uu Ku Bilowday Waayihiisa Arsenal

0
76

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kai Havertz ayaa carabka ku adkeeyay inuusan walwal ka qabin sida fashilka ah ee uu ku bilowday waayihiisa ciyaareed ee Arsenal ka dib markii uu xagaagii ka soo wareegay Chelsea.

Dad badan ayay lama filaan ku aheyd markii tababare Mikel Arteta uu 65 milyan ginni ka soo bixiyay xiddig kala qeybiyay aragtida taageerayaasha Chelsea.

Arteta ayaa u arkayay xiddiga Jarmalka inuu yahay mid ku haboon qaab ciyaareedka kooxdiisa laakiin xiddigii hore ee Bayer Leverkusen ayaa ku guuldareystay inuu qaab ciyaareed fiican u soo bandhigo Arsenal.

Inkastoo uu ku soo bilowday shan kulan oo ay ku jirtay koobkii Community Shield hadana Havertz weli wax gool ah ma dhalinin, mana sameyninw wax caawin ah.

Laakiin 24 jirkaan ayaa carabka ku adkeeyay inuusan wax walwal ah ka qabin qaab ciyaareedkiisa liita iyo eedeymaha loo soo jeedinayo.

Waxa uu yiri: “Hubaashii eedeymaha ceynkaan oo kale ah waxay kaa dhigayaan mid mashquul badan.

“Laakiin inta badan waxaan maraa marxalado kala duwan, laakiin dadku waxay arkaan kaliya waxa xun. Ma ahan kooxdii ugu horeysay ee aan wax walba hoos ka soo bilaabayo.

“Dabcan waxaad dooneysaa inaad sida ugu dhakhsiyaha badan u guuleysato laakiin waxaa jira marxalado kala duwan oo aan mararo. Waxaana isku dayaa inaan ku wajahpo jawi deganaan ah oo aan walwal laheyn.”