Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis ka caraysiin kara Mareykanka

0
105

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa Talaadadii ku heshiiyey inay illaa dhammaadka sanadka sii wadaan dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarka saliidda.

Heshiiskan ayaa suuqyada tamarta caalamka ka dhimaya 1.3 milyan oo barmiil oo saliid cayriin ah maalinkii, taasi oo sare u qaaday qiimaya saliidda.

Go’aanka Riyadh iyo Moscow ayaa qiimaha halkii barmiil ee saliid ah gaarsiiyey $90, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo November 2022.

Tallaabada labada dal ayaa kordhin karta sicir-bararka iyo qiimaha shidaalka baabuurka. Waxay sidoo kale cadaadis cusub saari doontaa xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Biden ayaa boqortooyada uga digay sanadkii tegay inay jiri doonaan “cawaaqib” uusan faa-faahin oo ka dhalan kara inay Ruushka kula saaxiibto dhimista wax soo-saarka,