Barcelona Oo Bilowday Inay Iibiso Cawska Garoonka Camp Nou & Taageerayaasha Oo Dalabnaya

0
78

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Barcelona ayaa furatay dukaan lagu iibiyo cawska Nou Camp, madaama kooxda ay lacag u baahan tahay.

Kooxda Catalans ayaa garoonka Estadi Olimpic Lluis oo qaada 54 kun taageerayaal ah hooy ka dhiganeysa si ku meel gaar ah xilli ciyaareedkan inta laga dayactirayo Camp Nou.

Waa markii ugu horeysay ee garoonka Camp Nou dayactir weyn lagu sameeyo tan iyo markii la furay sannadii 1957kii, waxaana ku bixi doonta dayactir lacag gaareysa 1.25 bilyan ginni.

In ka badan 250 shaqaale ayaa qaban doona howsha dayactirka, iyadoo Barcelona ay dooneyso in Camp Nou lagu ciyaaro xilli ciyaareedka 2025-26.

Inkastoo Barcelona ay waayi doonto dakhligii uu soo xareynayay garoonka Camp Nou maalmaha ciyaaraha ay jiraan, waxay haatan isku dayayaan inay lacag ka sameeyaan wax walba oo garoonka taariikhiga ah ku saabsan.

Sida ay qortay warbaahinta Isbaanishka ee Relevo, kooxda ayaa iibineysa cawska Camp Nou si taageerayaasha ay xusuus ugu noqoto.

Cawska oo la dhex geliyay nashqad laga sameeyay garoonka Camp Nou ayaa ah cawskii rasmiga ahaa ee garoonka.

Cawaska garoonka waxaa lagu iibinayaa 20 ilaa 50 euro, halka dukaanka Barcelona uu iibinayo qeybo waa weyn oo cawaska garoonka ah iyagoo ku iibinaya inta u dhaxeysa 80 milyan euro iyo 420 milyan euro.

Kooxda waxay sidoo kale iibineysaa alaabo lagu maamuusayo garoonka sida jijimo, faraantiyaal, katiinado, iyo alaabo kale oo yar yar.

Barcelona ma ahan kooxdii ugu horeysay ee iibisa cawska garoonkeeda. Kooxda Athletic Bilbao ayaa sidoo kale iibisay cwaska garoonka San Mames halka Atletico Madrid ay sidoo kale iibineysay cawskii garoonka Vicente Calderon markii ay u guureen Metropolitano.