Lionel Messi Oo Shaaciyey Sababtii Uu U Dalbaday In La Beddelo Ciyaartii Xalay Ee Ecuador

0
148

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi waxa uu xalay xulka dalkiisa ku hoggaamiyey guul isaga oo dhaliyey laad xor ah oo uu ka toogtay masaafo fog oo uu ku hubsaday shabaqa, waxaanay 1-0 kaga tallaabsadeen Ecuador kulan ka tirsanaa isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Guusha uu xulkiisa ku hoggaamiyey, waxa garab socday walaac uu ku abuuray taageereyaasha kaddib markii uu dalbaday in la beddelo iyadoo ciyaartu socota.

Tababaraha xulka qaranka Argentina Lionel Scaloni ayaa xaqiijiyey in aanu go’aanka beddelku ka imanin dhinaciisa hase yeeshee uu Lionel Messi ka dalbaday, sidaasa uu u saaray.

Si kastaba, Lionel Messi ayaa walaaca ka yareeyey taageereyaasha xulkiisa iyo kooxda Inter Miami, waxaana uu sharraxay sababta uu u dalbaday in la beddelo, waxaanu yidhi: “Woxoogaa waan daalay. Way dhacdaa sidan oo kale mana noqon doonto markii ugu dambaysay ee aan ka baxo garoonka. Laakiin waxa aan dareemayaa in aan fiicanahay, inkasta oo ay ciyaartu ahayd mid adag.”