Xiddiga Barca Lamine Yamal Oo Rikoodh Dhigay Xilli Spain Ay Todoba Gool Ku Xasuuqday Georgia

0
134

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dheymanka yar ee Barcelona Lamine Yamal ayaa taariikhda galay ka dib markii uu noqday xiddigii ugu da’da yaraa abid ee xulka Spain gool u dhaliya.

Xididga garabka ka ciyaara oo kooxda koowaad ee Barcelona ku soo biiray ayaa durba wacdarro dhigay xilli ciyaareedkan, wuxuuna dhawaan xulka Morocco ka doortay xulka Spain oo uu caawa u ciyaaray.

Wuxuu ka horyimid xulka Georgia kulan ka tirsanaa isreebreebka Euro 2024 iyadoo Spain ay Georgia ku xasuuqday 7-1.

Da’ yarkaan ayaa kursiga keydka ku bilowday laakiin waxa uu ku soo galay ciyaarta bedel isagoo dhaliyay goolkii 7aad ee xulka Spain.

Wuxuu cagta bidix ku sameeyay dhameystirc cajiib ah ka dib markii uu kubad u soo celiyay Nico William, wuxuuna galay taariikha Spain isagoo noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee abid gool u dhaliya La Roja iyadoo da’diisa ay taahy 16 sanno iyo 57 maalmood.

Wuxuu sidoo kale noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee abid u safta xulka Spain, wuxuuna rikoodhkaas ka jabiyay saaxiibkiisa Barcelona Gavi.

Waxay noqon doontaa gooshiisii ugu horeysay ee goolal badan oo laga sugayo 16 jirkaan tayada leh.

Weeraryahanka Atletico Madrid Alvaro Morata ayaa seddexleey dhaliyay halka Williams, Dani Olmo ay iyagana shabaqa soo taabteen iyadoo Solomomn Kvirkvelia uu gool iska dhaliyay.