Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 oo ku dhuftay dalka Morocco

0
69

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ku dhuftay bartamaha dalka Morocco, waxaana ku dhintay ugu yaraan 820 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa baadi goobaya dad ku hoos jira burburka dhismahayasha.

Meesha xudunta u ah ayaa ku taalla buuraha Atlas ee sare, oo 71km (44 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Marrakesh.

Boqolaal qoys oo ku gurya beelay dhul gariirkan ayaa taagan jidadka magaalooyinka inta badan uu ku dhuftay dhul gariirka.