Jadon Sancho Oo Laga Kaxeynayo Manchester United & Koox Champions League Ka Ciyaarta Oo Badbaadineysa

0
63

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Jadon Sancho ayaa helay dariiq uu uga baxo Manchester United bisha Janaayo, waxaana u suurtogaleysa inuu ka sii ciyaaro Champions League.

23-sano jirkaan ayaa qeyb ka ahaa kooxdii United ee ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore taasoo u sahashay inay ku soo laabtaan Champions League.  Sancho ayaa dhaliyay lix gool 26 kulan oo horyaalka ah.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ka dhexeeya ciyaaryahanka iyo tababaraha ayaa u muuqda mid hoos u dhacay ka dib hadaladii Ten Hag ee ahaa in Sancho uu ku liitay tababarka taasoo keentay in laga saaro kooxdii Man United ee guuldarrada 3-1 ay ka soo gaartay Arsenal.

Wargeyska The Sun ayaa qoray maanta in kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund inay isku diyaarineyso inay dalab ka soo gudbiso Sancho bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Sancho ayaa sidoo kale dhibaato gaar ah ku maray Jarmalka laakiin qaab ciyaareedkiisii garoonka ee markii uu joogay Jarmalka wuxuu aad uga sareeyay wixii uu ku soo bandhigay Premier League.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa Sancho kala soo saxiixatay akadeemiyada Manchester City sanadkii 2017, waxayna ku qaadatay kaliya hal sanno inuu uga soo dalaco akadeemiga kooxda Jarmalka islamarkaana uu xiddig muhiim ah u noqdo Dortmund.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa dhaliyay 50 gool, waxaana loo diiwaan geliyey 64 caawin 137 kulan oo uu u saftay Borussia Dortmund, halka uu kaliya ka qeyb qaatay 18 gool 82 kulan uu u saftay Man United.

Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay si dhow isha ugu heyso sida xaaladiisa ay ku soo bixi doonto inta u dhaxeysa haatan ilaa suuqa jiilaalka.