Macalinka Norway Oo Abaalmarinta Ballon d’Or U Diiday Xiddigiisa Erling Haaland Una Saadaaliyay Xiddig Kale

0
113

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Norway Stale Solbakken ayaa sharaxay sababta uu u aaminsan yahay in Erling Haaland uusan ku guuleysan doonin abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan.

Haaland ayaa jabiyay rikoorka Premier League xilli ciyaareedkii hore ee goolasha ugu badan ee hal xilli ciyaareed la dhaliyo, isagoo dhaliyay 36 jeer kaliya 35 kulan uu saftay.

Xiddiga reer Norway ayaa sidoo kale dhaliyay 12 gool tartanka Champions League – waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo tartanka ka qeyb galay – iyadoo City ay koobka ku qaaday Istanbul.

Taasi waxay keentay baaqyo ku aadan in Haaland uu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadkan 2023.

Waxa kale oo uu si joogto ah shabaqa ugu soo taabanayaa dalkiisa Norway oo uu tababare u yahay Solbakken oo mar tababare u noqday kooxda Wolves.

Hadda, tababaraha Norway ayaa sharraxay sababta Lionel Messi, maaha Haaland, ay tahay inuu ku guuleysto abaalmarinta sanadkan.

Waxa uu u sharaxay VG-ga Norway: “Haddii aad i waydiiso cidda aan u malaynayo inuu ku guulaysan doono, waxaan odhan lahaa Messi ayaa ku guulaysan doona madaama uu ku guuleystay Koobka Adduunka, wali saamayn ayay leedahay.”

Messi ayaa ah xiddiga ugu cadcad in uu abaalmarintan kor u qaado markii 8-aad taas oo sabab u ah wax-qabadkiisii xulka Argentina ee sannadkii la soo dhaafay..